Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ururka 53-aad Guutada 14 Oktoobar ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigeen Nin xaaskiisa ku diley tuulada Muur,Diinle oo ku dhow deeganka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa waxaay gacanta ku dhigeen Cabduqadir Cali Axmed oo xaaskiisa oo lagu Magacaabi jirey khadiija Sheekh Nuur Cabdi la sheegay inuu ku dilay deegaanka sabiid iyo caanoole, kaasoo dilka kadib goobta isaga baxsaday.
Taliyaha Ururka 53-ee Guutada 14 Oktoobar Dhamme Daa’uud oo xaqijiyay in la qabtay Ninka dilay Xaasiisa ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhax galay Haweeneyda iyo ninkay u dhaxday, isla markaana xilliga la dilayay ay laheyd Uur 8 Bilood ah, sidoo kalena ay ifka kaga tagtay 8 Carruur ah.
Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafaya ay Ciidamada baadi goobayeen Ninka dilay xaaskiisa markii la soo garsiiyay Warbixinta dilka, taasoo keentay in ugu dambeyn ay gacanta ku soo dhigaan.
Dhacdooyinka la xiriira dilalka ay ragga u geystaan xaasaskooda ayaan aheyn mid ku cusub degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose iyo meelo kale oo Soomaaliya ka Tirsan, iyadoo dhowr jeer ay dhacday, isla markaana gacanta lagu dhigay raggii dilalkaas geystay.