DHAGEYSO:Barnaamij dadka danyarta ah lagu afurinayo oo Baydhabo laga daahfuray

0
494

Munaasabadda loogu talagalay inta lagu guda Jiro Bisha Ramadan in lagu Afuriyo in ka badan kun qof oo danyar ku Nool Magaalada Baydhabo iyo deegaanada hoos Yimaada ayaa waxaa ka qayb Galay masuuliyiin ka tirsan Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.
Wasiirada Awqaafta, Warfaafinta Xilidhibaano iyo Masuuliyiin kale oo koonfur Galbeed ka Tirsan ayaa ka Qaybgalay Munaasabada waxayn ku baaqeen in la Caawiyo dadka Danyarta ah ee deegaanada Koonfur Galbeed ku sugan Xilligaan Ramadaanka lagu Jiro.
Barnaamijkaan ayaa waxaa Fulinaysa Hay’adda laga leeyahay dalka Turkiga waxaana La doonayaan inay ka faa’iidaystaan qoysaska Noloshooda hoosayso ee qaarkood ku barakacay Koonfur Galbeed halka kuwa kalena ay horay Danyar u ahaayeen.