DHAGEYSO:Guddoomiyaha Mandera oo sheegay in Al-Shabaab ay boqolkiba 50 maamulaan waddooyinka ismaamulkaasi

0
932

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Rooba oo ka hadlay arrimaha ammaanka ayaa walaac baan ka muujiyay weerarrada si kordhaya ay Al-Shabaab ka wadaan deegaankaasi.
Waxaa uu sheegay in waddooyinka dowlad deegaanka Mandera ay boqolkiiba 50 ka taliyaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha waddanka Soomaaliya.
Hadalka Mr Roba ayaa yimid iyadoo muddooyiinkii la soo dhaafay ay Al-Shabaab weerraro ay dad ku dileen ka gaysteen ismaamulka Mandera iyo qaybo ka mid ah gobolka waqooyi bari.
Guddoomiyaha Mandera ayaa sido kale sheegay in in ka badan 3000 ciidamo ah ay ku sugan yihiin Mandera ilaa haddana aan la sugin amniga dowlad deegaankaas islamarkaana Al-Shabaab ay weerraro ka fulinayaan deegaano hor leh.
Guddomiyaha ismaamulka Mandera ayaa intaa ku daray in 126 dugsi hoose dhexe iyo sare oo ka mid ah 295 iskuul ee halkaasi ku yaala ilaa iyo haatan aan dib loo furin sababo la xiriira amni xumo baahsan oo ka dhalatay khatarta Al Shabaab taasoo keentay macalimiin yari kaddib markii guddiga adeega macalimiinta ee TSC ay kala baxeen macalimiintii aan deegaanka u dhalan ee wax ku dhigi jiri dugsiyada ku yaala dowlad deegaankaasi.
Gudoomiyaha Mandera ayaa dhanka kale sheegay in Mandera la siiyay ciidamo ku filan,gawaari,iyo hubab balse Al-Shabaab ay sare u sii qaadeen weeraradooda.

Roba ayaa sidoo kale sheegay in 3 qof wali la la’yahay kaddib markii gaarigooda la weeraray maalinka Isniintii ee toddobaadki hore lamana oga halka ay ku sugan yihiin.
Waxaa uu wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka ku eedeeyay inay iska indha tiireysa xaaladda ismaamulka Mandera islamarkaana aysan u muuqan xaqiiqda jirta.
Waxaa u madaxweynaha dalka ka codsaday in laamaha amaanka ay wax ka qabtaan amni darrada deegaanada ismaamulkaasi islamarkaana loo baahanyahay in la qiro in dhibaato halkaasi ka jirto.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha loo igmaday amniga heer deegaan iyo heer gobol ay dafirayaan in xitaa ay dhibaato jirto.