In ka badan 3,000 oo ah hay’adaha aan dowliga ahayn oo digniin loo jeediyay

0
426

Guddiga dowladda dhexe u qaabilsan diiwaangelinta iyo isku dubaridka howlaha hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa soo saaray digniin ka dhan ah ugu yaraan 3000 oo ka mid ah hay’ada loo yaqaano NGOs-yada ah.
Waxaa lagu eedeyay in aynan u hoggaansamin xeerarka u degsan qaabka la doonayo in ay kaga howlgalaan gudaha dalka.
Nichodemus Bore oo xubin ka ah guddiga ay dowladda dhexe arrimahan u xil saartay ayaa sheegay in hay’adahan ay khatar ugu jiraan in meesha laga saaro diiwaangelintii loo sameeyay.
Waxaa uu xusay in eedeymaha loo jeediyay ay ka mid tahay in aynan soo gudbin warbixinnada sanadlaha ee la xiriira hanti-dhowrka.
Mas’uulkan ayaa sheegay in ay si buuxda u adeegsan doonaan sharciga ku saabsan maareynta NGOs-yada oo la sugaya in lagu soo daabaco wargeyska rasmiga ee dowladda si baarlamaanka loogu gudbiyo kadibna loo ansaxiyo.
Mr. Nichodemus ayaa xusay in gudaha Kenya ay ka howlgalaan in ka badan 11,000 oo ah hay’adaha aan dowliga ahayn.
Waxaa uu intaa ku daray in ilaa iyo hadda ay ku qanceen sida 8000 oo tiradan ka mid ah ay ugu hoggaansamayaan xeerarka lagu maamulo balse ilaa 3,000 laga doonayo in ay saxaan waxyaabaha nidaam ahaan khaldan ka hor inta aan tallaabo sharciyeed laga qaadin.