Raila Odinga oo kulan la qaatay Gideon Moi iyo madaxweynaha walaalkii

0
492

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa la kulmay guddoomiyaha xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi iyo Muhoho Kenyatta oo ay walaalo yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Mr.Gideon iyo Mr. Muhoho ayaa shalay Raila ugu tagay hooygiisa ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Senatarka Baringo ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu farxay in Mr. Odinga uu durbaba ka caafimaaday cudurka COVID-19.
In kastoo warbaahinta dalka ay hadal hayso shirka saddex geesoodka ah , faahfaahin lagama bixin waxyaabaha ay dhinacyada kulmay ka wada hadleen.