Mareykanka oo madaxda dowladda Soomaaliya ugu hanjabay cunaqabateyn

0
407

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda Soomaaliya in ay saari doonto cuna-qabateyn iyo in laga xannibi doono dal kugalka Mareykanka, haddii aysan Dowladda Federaalka ka laaban muddo kororsiga uu golaha shacabka u sameeyay.
Xoghayaha arrimaha dibedda dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay aad uga niyad jabtay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku ansixisay sharci laba sano ku kordhinaya muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamanka.
“Waxaan caddeynay in Mareykanka uusan taageeri doonin muddo kororsi aan haysan taageerrada saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyo hanaan doorasho oo hal dhinac ah iyo kuwa is-dhinac socda, Ficillada noocan ah waxay noqon doonaan kuwa aad wax u kala qaybiya, waxyeeleeya hanaanka federaalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee xudunta u ahaa horumarka dalka Soomaaliya iyo saxiibtinimada beesha caalamka, waxayna dareenka ka weecinayaan Al-Shabaab, Waxay sidoo kale dib usii dhigayaan qabashada doorasho qancisa shacabka Soomaaliyeed,”ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.
Dhanka kale waxaa uu yiri “Go’aanka wakhtiga loogu daray dowladda federalka wuxuu wiiqayaa ammaanka iyo nabadda dalkaasi. Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo Maamul Gobolleedyada inay ku laabtaan wada hadalladii, islamarkaana ku heshiiyaan jidkii horey loogu socon lahaa”
Sidoo kale waxa uu sheegay in ficillada socda dowladda Mareykanka inay dib u qiimeyso xiriirka ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan midka diblomaasiyadeed iyo kan kaalmo, islamarkaana ay ka fakarayaan wax kasta oo ay heli karaan, oo ay ka mid yihiin cunqabateyno iyo xayiraado Visa, si ay uga jawaabnmaan dadaallada lagu waxyeeleynayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.