Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in wadamada caalamka ay muddo ku qaadan doonto in ay ka guulaystaan cudurka COVID-19.
Waxaa arrinkan shaaciyay agaasimaha guud ee hay’addan Tedros Adhanom Ghebreyesus.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in faafiddaa caabuqa corona ay kaalin weyn ka qaadatay tallaabooyinka caafimaad oo aan si joogto ah loo ilaalin iyo dadweynaha oo u muuqdo in ay is-dhigteen ama sidii hore aan u feejignayn.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay in cudurka faafidiisa la xakameyn karo hadii si buuxda loo dhaqangeliyo talooyinka sida gacmo dhaqashada, kala fogaanta iyo isticmaalka afxirka.
Waxaa uu madaxa WHO ku celceliyay in ka hay’ad ahaan ay jecelyihiin in la furo isku socodka bulshada, ganacsiga sidoo kalena dhaqaalaha wadamada dunida uu dib u soo hagaago hasa ahaate xaaladda hadda taagan aynan saamaxayn.