Madaxweyne Soomaaliya oo soo dhaweeyay muddo kordhinta loo sameeyay

0
424

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay sharciga gaarka ah ee ku saabsan doorashada ee muddo kordhinta labada sano ah loogu sameynayo hay’adaha dowladda kaas oo goordhaw ay ansixiyeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in xukuumadda uu waajib ka saaran yahay fullinta sharcigan.
“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay qaadaneyso doorka kaga aaddan fulinta sharcigan ay ansixiyeen Golaha Shacabka oo dalka u jiheynaya doorasho toos ah, dibna ugu soo celinaya Shacabka Soomaaliyeed xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaanka ay ku aaminayaan talada iyo masiirka qaranka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada.