Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ahaa waxaa ay ku yeesheen Xarunta Golahaasi ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ay uga hadleen mooshin la xiriiray doorashooyinka dalka.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u qaybiyay Mooshin ay saxiixeen 27 kamid ah Golaha Shacabka, kaas oo jiheynaya doorashooyinka heer Federaal oo ah doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale qaraarka ayaa waxaa ku qoran in Xukuumadda la faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuurig si ay awood ugu yeeshaan in muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.
Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa cod u qaaday mooshinka la xiriira jiheynta doorashada oo dhigaya in muddo laba sano gudahood ah lagu qabto doorasho loona madax banaaneeyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 149 Xildhibaan ay u codeysay Sharciga jiheynta doorashada, Saddex mudane ay diideen, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.
Go’aamka Golaha Shacabka ayaa ka dhigay in Maxamed CAbdullaahi Farmaajo iyo hay’adaha kale ee dowladda ay sii Shaqeyn doonaan muddo laba sano ah ee soo socota.