DHAGEYSO:Waxgaradka FAFI oo ka soo horjeestay in la xiro xeryaha qaxootiga

0
511

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa oo uu ka mid yahay duqii hore ee degmadaas Nuur Barre ayaa sheegay in aynan dowladda dhexe ku taageersanayn qorshaha ay ku doonayso in ay ku xirto xeryaha qaxootiga ee dalka si gaar ah kuwa Dadaab.
Waxay odayaasha oo la hadlay warbaahinta Star carrabka ku dhufteen in faa’iidooyin badan oo dhanka dhaqaalaha ah ay ku haystaan qaxootiga sidoo kalena uu jiro isdhexgal bulsho oo aad u ballaaran.
Waxgaradka ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan dhallinyaro badan oo joogitaanka qaxootiga shaqooyin ku helay qoysas badanna ay ku tiirsan yihiin sidaas awgeedna ay saameyn weyn soo gaari karto .
Madaxda laga soo doortay ismaamulka Garissa ayay sidoo kale u soo jeediyeen in ay ka hadlaan culeyska dadka deegaanka soo foodsaari karo hadii qorshahan la dhaqangeliyo.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayay ugu baaqeen inuu ku dadaalo in laga laabto go’aanka qorsheysan ee lagu xiraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma