Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in guddoomiyihii degmada Hodan si bareer ah loo dilay

0
425

Iyadoo shalay Guddigii loo xilsaaray baritaanka dhacdadii lagu dilay Guddoomiyihii Hore ee degmada Hodan ay wareejiyeen natiijada baritaankoodii uga soo baxday ayay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaay sheegtay in si ku talo gal ah loo dilay Cabdixakiim Ciise Dhegajuun Guddoomiyihii degmada Hodan.
Xeerillaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamadda Janeraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa sheegay in baritaanka kiiska la soo geba-gabeeyay, isla markaana Maanta oo Axad ay bilaabaneyso gudbinta dacwadda si loo muddeeyo waqtiga la qaadayo.
Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in gebi ahaan la soo geba-gabeeyay baariaanka sida uu u dhacay dilka Guddoomiyihii degmada Hodan, isla markaana si ku talo gal ah lo dilay.
21-kii Bishii Janaayo ee sanadkan 2021 ayaa Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya waxaay xlli habeen ah rasaas ku fureen gaari uu saarnaa Guddoomiyihii degmada Hodan xilli uu marayay Isgoyska loo yaqaan Jid Mareexaan, mid kamid ah rasaasta oo haleeshayna uu u geeriyooday Gudoomiye Dhagajuun.