Dowladda dalka Mozambique ayaa sheegtay in ciidaanka dalkaas ay dileen ugu yaraan 36 ka mid ah koox ka dagaalanta dalkaas ka dib markii ciidamada wadankaasi ay howlgalo ka fuliyeen magaalada Palma.
Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii kooxdaan isugu yeerta Al-Shabab, balse la mid maaha Al-shabaabka ka jira Soomaaliya oo ay isku magac yihiin ayaa bartilmaameed ka sameeyay magaalada Palma ee waqooyiga dalka Mozambique.
Afhayeenka militariga ee Mozambique Brigadier Chongo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tirada dhimashada ay intaas ka badan karto.
Waxaa uu intaa ku daray in howlgalkii ay magaalada Palma ka sameeyeen ay aminsanyihiin in guul ka gaareen
Maleeshiyaadkan oo islaamiyiinta xagjirka ah ayaa waqooyiga Mozambique ka geystay falal ay dad badan oo shacab ku dileen.
Arrintaan ayaa sababtay in kumanaan kun oo qof u qaxeen keynta ku hareereysan magaalada.
Ma cadda tirada dadka rayidka ah ee la dilay balse sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga (UNHCR) rabshadaha waxaa ku dhintay in ka badan 2,600 oo qof iyadoo kalabar ay rayid yihiin.