Waxaa maanta qabuuraha muslimiinta ee Langata ee magaalada Nairobi lagu aasay ku xigeenkii xoghayaha guud ee guddiga maamulo masjidka weyn ee Jamia ee magaalada Nairobi Ibraahim Axmad Yuusuf oo loo yaqaanay Ibraahim Johnny .
Alle ha u naxariistee Ibraahim ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla caasimadda dalka ka dib muddo uu xanuunsanaa.
Waxaa geeridiisa saaka ka tacsiyeeyay guddiga masjidka Jamia oo uu mas’uuliyiintiisa ka mid ahaa.
Waxaa uu sidoo kale horay ugu tartamay doorashadii xildhibaananimo ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale geerida siyaasigan waxaa ka tacsiyeeyay madax uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale.