Al-Shabaab oo isaga baxay deegaano ay maamulayeen in ka badan 10 Sano

0
1141

Howlgalo qaatay in ka badan labo todobaad ayay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka wadaan deegaanada Koonfureed ee Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Maamulka Galmudug, halkaaso muddo dheer ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha AL-shabab.
Labi-Dulle.Dhabane-Dhulkuhays iyo Sinadhaqo oo ah deegaano Muhiim ah oo dhanka Koonfureed uga beegan magaalada dhuusamareeb ayaa todobaadkaan lagala wareegay dagaalameyaasha Al-shabaab,iyagoo sida la sheegay wax 10-KM Ka yar u jira Magaalada Ceel-lahelay oo shabaabku Fariisimo ku lahaayeen.
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa lagu waramayaa inay Maanta gabi ahaanba isga Baxeen deegaanka Ceel-lahey oo hoostagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo shabaabku ku Sugnaayeen in ka badan 10 Sano maadaama Ciidamada dowlada ay Magaaladaasi Culays saareen.
Dagaalameyaasha Al-shabab ayaa la soo sheegayaa inay waabarigii hore ee saaka ay dhanka degmada ceel-buur u anbabaxeen halkaas oo ah saldhiga ugu weyn AL-shabaab ee gobolka Galgaduud.
Shacabka ku nool Magaalada Ceel-lahey ayaa sheegay in Shabaab intii aysan Magaalada ka bixin ay ku xireen miinooyin goobaha muhiimka ah ee Magaaladaasi shacabkana ay ku amreen inaysan jirin Cid Magaaladaas ka bixi karta.
Qaar ka mid ah Dadka Magaalada Ceel-lahelay oo Cabsi ka qaba Qaraxyada ay Magaalada Shabaabku ku Xireen ayay wararku sheegayaan inay halkaas isaga barakaceen.
Saraakiisha Ciidamadana hogaaminaysa ayaa sheegay in deegaanda Maamulka Galmudug uu ka bilowday Guluf Dagaal oo Saf-balaadhan ah kaasoo Al-shabaab looga Saarayo deegaanada ay Maamulka ka haystaan ugu horayna Maalmaha soo socda la qorsheeyay inay Ciidamada Xoogga Soomaaliya Gacanta ku dhigaan Magaalada Ceel-buur oo in ka abdan 13 Sano ay shabaab maamulayeen kuna leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee bartamaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug oo Maalmo ka hor Booqday furimaha dagaalka ee gobolka galgaduud ayaa Ciidamada ku amray inay qaadan howlgalka shabaab looga saaraya deegaanada Maamulkaas.