UNHCR oo dowladda Kenya la wadaagtay talooyin ku saabsan xiridda xeryaha qaxootiga

0
2015

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR laanteeda Kenya ayaa dowladda dhexe u bandhigtay talooyin dhowr ah oo la xiriira qorshaha la doonayo in lagu xiro xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma.
Bayaan ay hay’addu soo saartay maanta ayay ku sheegtay in hadii talooyinkan la qaato ay xal u noqon karaan xaaladda taagan.
UNHCR ayaa ugu horreyn xustay in ay qireyso deeqsinimada Kenya ay qaxootiga u muujisay tobaneeyo sano iyo sida loogu baahan yahay xal u helidda barakaca daba dheeraaday.
Wakiilka hay’addan ee Kenya Fathiaa Cabdalla ayaa sheegtay in ay dhageysteen walaaca dowladda Kenya balse ay doonayaan in la xoojiyo dib u noqoshada aan qasabka ahayn ee ku saleysan ilaalinta sharafta iyo badqabka.
Waxay intaa ku dartay in loo baahan yahay in si gaar ah loo tixgeliyo xayiraadaha dhanka isku socodka ee la xiriira cudurka COVID-19.
Hay’adda ayaa sidoo kale ku talisay in wadamada xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ay qaxootiga u diyaariyaan qorsho joogitaan oo beddel ah.
UNHCR ayaa qabto in tani ay qaxootiga fursad weyn u siin karto in ay isku filnaadaan oo ayna wax badan ku biiriyaan dhaqaalaha dalalkan.
Hay’adda waxay kale oo soo jeedisay in la dardargeliyo in aqoonsiga qaran ee dalka la siiyo in ka badan 11,000 oo ah Kenyaan horay isaga diiwaangeliyay hannaanka qaxootiga sidoo kalena la sii wado geeddisocodka turxaan bixinta dadka kale ee xaaladdan ku jiro.
Talooyinka hay’adda UNHCR ay u bandhigtay dowladda Kenya waxaa ka mid ah in tiro yar oo ah qaxootiga aynan u suurtagalayn in ay dalkooda hooyo ku laabtaan khatarro dhanka badbaadada ah awgood dib u dejin loogu sameeyo waddan saddexaad.
Hay’adda ayaa sheegtay in hadii la qaado tallaabooyin la iska kaashanaya ay aaminsan tahay in la soo saari karo siyaabo ilaalinaya xuquuqda qaxootiga oo horseedaya xal waara.
Waxay intaa ku dartay in ay diyaar u tahay sii wadidda wada-hadallada iyo iskaashiga kala dhexeysa dowladda Kenya iyo hay’adaha kale ee ay ka wada shaqeyaan arrimaha qaxootiga.
Xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma waxaa ku nool 430,000 oo ah qaxooti iyo magan-galyo doon dhalasho ahaan ka soo jeedo in ka badan 15 waddan.