Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 10 wiil oo arday ah ka dib markii ay xalay gudaha u galeen dugsi sare oo ay gabdho wax ka bartaan.
Ardaydan ayaa dhigta dugsiga sare ee wiilasha ee Anestar Bahati waxaana loo haystaa in ay galeen mid ka mid ah xarumaha jiifka ee dugsiga sare ee gabdhaha ee Anestar Precious Girls .
DCI ayaa sheegtay in ardaydan ay ka mid yihiin kuwa sameynaya imtixaanka qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE-da)
Ilaa iyo hadda ma cadda ujeedka ay halkaas u tageen.
Ciidamada booliska ee saldhigga Githioro ayaa isla markiiba arrinkan ka falceliyay ka dib qaylo-dhaan ka soo yeertay gabdhaha.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka ay xireen 10 ka mid ah wiilasha halka kuwo kale ay goobta ka baxsadeen.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliska ee Dundori si looga qaado tallaabada xigta.