Guddiga masjidka Jamia oo ka tacsiyeeyay geerida Ibraahim Johnny

0
454

Guddiga maamulo masjidka weyn ee Jamia ee magaalada Nairobi ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Ibraahim Axmad Yuusuf oo loo yaqaanay Ibraahim Johnny .
Ibraahim ayaa ahaa ku xigeenka xoghayaha guud ee masjidka Jamia.
Waxaa uu sidoo kale horay ugu tartamay doorashadii xildhibaananimo ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi.
Guddiga ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in meydka Ibraahim Axmad ka dib marka lagu tukado salaadda janaasada lagu aasi doono qabuuraha muslimiinta ee deegaanka Lang’ata abaare 12-ka duhurnimo ee maanta.