Marwada koowaad ee dalka oo daahfurtay abaal marinta deegaanka

0
153

Marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa si rasmi ah u daahfurtay abaal marinta arrimaha deegaanka.
Waxay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ka sheegtay in billaddan la siin doono shakhsiyaadka door muhiim ah ka qaata ilaalinta deegaanka.
Dadka doonaya inay barnaamijkan ka qayb qaataan ayaa codsiyadooda ku gudbin karo shabakadda www.flama.go.ke.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa dhankiisa sheegay in ardayda laga doonaya inay ka qayb qaataan barnaamijyada la xiriira bilicda deegaanka oo ay sidoo kale codsadaan abaal marinta ay soo bandhigtay marwada koowaad ee wadanka.