Xildhibaano doonaya in dalka lagu soo kordhiyo 11 ismaamul

0
221

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa doonaya in guddiga qaran ee wada xaajoodyada ee matalaya isbeheysiyada Kenya Kwanza iyo Azimio La Umoja-One Kenya uu tixgeliyo soo jeedin ah in ismaamullada wadanka oo hadda ah 47 lagu kordhiyo 11 dheeraad ah.
Waxaa mudanayaashan hoggaaminaya xildhibaanka deegaanka bariga Kuria ,Marwa Kitayama.
Siyaasiyiinta ayaa warqad ay qoreen ku sheegay in tirada dowlad deegaannada oo la kordhiyo ay xoojinaysa matalaadda shacabka iyo in dhammaan kenyaanka si siman looga qayb geliyo nidaamka dowladeed.
Ismaamullada ay ku talinayaan in la soo kordhiyo ayaa kala ah Kuria, Teso, Mount Elgon, Bariga Pokot , Mwingi, Gucha, Suba, Ijara, Galbeedka Nakuru , Nyambene iyo Koonfurta Wajeer.