Laamaha ammaanka ee dalka Cuba ayaa gacanta ku dhigay 17 eedeysanayaal ah oo loo haysto inay dad tahriibiyeen si ay dowladda Ruushka garab ugu siiyaan duullaanka militari ee ay weli ka waddo gudaha wadanka Ukraine.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Cuba ay sheegtay in saraakiisha ammaanka ay ku dadaalayaan inay burburiyaan isku xir ka shaqeeya tahriibka.
Waxay intaasi ku dartay in isku xirkan uu ka jiro gudaha waddamada Cuba iyo Ruushka si loo fududeeyo in qaar ka mid ah muwaadiniinta dalkaasi ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Dacwad oogaha Cuba,Jose Luis Reyes ayaa sheegay in dadkan la qabtay ay muteysan karaan 30 sano oo xabsi ah, xabsi daa’in ama in la dilo.