Wararka naga soo gaaraya dalka Nigeria ayaa sheegaya in xabsi halkaasi ku yaalla ay ka baxsadeen ugu yaraan 1,800 oo maxaabiis ah.
Tani ayaa timid ka dib markii rag hubeysan ay xabsiga weerar ku soo qaadeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dableyda ay adeegsanaysay bam gacmeedyo , rasaas iyo waxyaabaha qarxa.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada ku taalla koonfurta bari ee Nigeria ee Owerri oo masaafo dhan 400 oo kiilomitir u jirtay Lagos.
Waaxda ciidamada asluubta ee Nigeria ayaa xaqiijisay in maxaabiista baxsaday ay tiradoodu tahay 1,844 .
Booliska Nigeria ayaa weerarka ku eedeyay koox gooni u goosad ah oo lagu magacaabo Indigenous People of Biafra.
Wakaaladda wararka ee AFP waxay ku warramaysaa in kooxda ay iska fogeysay mas’uuliyadda weerarka.