Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka tacsiyadeeyay Qaraxii Xalay ka dhacay degmada Shangaani oo dad badan lagu laayay.
Warka ka soo baxay Xafiiska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in duqa oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada Hoose ee Xamar uu tacsi tiiraanya leh u diraayo Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen dadkii Soomaaliyeed ee ku dhintay falkii Bahalnimada ahaa oo ay argagixisada ka geesteen goob ay bulshada isugu yimaadaan oo kutaala degmada Shangaani, waxaan sidoo kale caafimaad deg deg ah uu Alla uga baryaaya inuu siiyo dadkii ku dhaawacmay Musiibadaasi.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) wuxuu Qoraalkiisa ku yiri.
“Waxaa hubaal ah in Al-shabaab ay ku fashilmeen inay kusoo gambadaan Diinta Islaamka oo ah mid Suuban oo Naxariis badan, Argagixisada waxaay si bareer ah uga soo horjeedaan nolasha iyo horumarka Umadda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa bulshada gobolka Banaadir in si Wadajir meel loogu soo wada jeesto ciribtirka Cadowga”.
Waxaa la sheegay inuu kordhay khasaaro dhimasho iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu la beegsaday Maqaaxi lagu Shaaho oo ku taal Xaafadda Saddexda Geed ee degmada Shangaani.
Qaraxa ayaa booliska Soomaaliya sheegeen inay ku geeriyoodeen 6 Ruux oo uu kujiro qofkii is qarxiyay, hayeeshee wararka ayaa sheegaya in qaraxaas ay ku dhntay 5 dhalinyaro ah oo qaarkood dhawaan ka qalin jebiyeen Jaamacado ku yaal Muqdisho, Cunug yar oo aan weli qaan gaarin iyo qofkii is qarxiyay.
Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga ayaa si kulul u canbaaraysay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Shangaani iyo weerarkii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalk ee degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin askarta ku dhimataya weerarkii Shabeellaha Hoose iyo dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay qarixii Muqdisho
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegtay inay ugu tacsiyadeyneynayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadkii weeraradaas ku dhintay caafmaad deg deg ahna u rajeeyay kuwa dhaawacmay.
Ugu dambeyntii dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan go’aanka ay ku garab istaagayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka ay kula jira Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ee lagu weeraray saldhgyada ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa badankood tababar Ciidan iyo hub siiyay dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya,waxaana Saraakiisha Ciidamada Xoogga sheegeen inay shabaabka Jab ku gaarsiiyeen weeraradii ay shalay ku qaadeen saldhigyada shabeelada Hoose.