Xarunta xakameynta cudurrada ee Afrika oo soo dhaweysay go’aan ay Kenya qaadatay

0
764

Xarunta qaaradda Afrika u qaabilsan xakameynta cudurrada faafa ee CDC ayaa soo dhaweysay go’aan ay dhawaan dowladda Kenya ku mamnuucday in waaxyaha gaarka ah ay wadanka soo geliyaan tallaalka COVID-19.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in uu mamnuuc yahay ganacsiga daawooyinka si khaas ah loogu soo dejiyo, loogu iibiyo ama loogu isticmaalo gudaha wadanka.
Agaasime ku xigeenka xarunta xakameynta cudurrada ee Afrika Dr. Axmed Ogwell ayaa sheegay in tallaabada ay Kenya qaaday ay kaalin weyn ka qaadanayso in lagu guulaysto dagaalka ka dhanka ah cudurka.
Waxaa uu mas’uulkan xusay in wadamada kale ee qaaradda laga doonayo in ay Kenya ku daydaan.
Dr. Axmad Ogwell ayaa xusay in keenista tallaalka ee qaab ganacsi loo adeegsado ay mustaqbalka ka dhalan karta xaalad halis ah.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo muran uu ka taagan yahay shakhsiyaadka ka dambeeya keenista talaallada sida tallaalka Ruushka uu sameeyay ee Sputnik V, kaas oo qaadashadiisa lagu bixiyo lacag.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ay xusay in ka qeyb galka waaxyaha gaarka loo leeyahay ee talaalka ay halis galineyso guulaha laga gaaray la dagaalanka covid-19
Waxaa uu intaa ku daray in tallaabada ay dowladda ku joojisay keenista tallalka ee waxayaha sida gaarka ah loo leeyahay ay timid ka dib markii hay’ad gaar ah ay wadanka soo gelisay tallaalka Ruushka ee Sputnik V iyadoo taasi ay ku saleysan tahay qaab ganacsi.