AMISOM oo dad Shacab ah ku dishay isgoys ku yaal Muqdisho

0
444

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Gaari nooca dagaalka oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo saaka Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad shacab ah ku jiiray Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Qof goobjooge ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gaariga Ciidamada AMISOM ay wateen uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen laba qof iyo Darawalka waday, xili ay marayeen Isgoyska Howlwadaag, waxaana ka dhashay khasaaro.
Labadii qof ee la socday Mootada ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana dhaawac Culus uu soo gaaray darawalka waday Mootada oo si deg deg ah gaariga gurmad deg deg ah ee loo yaqaano Ambalas ah loogu qaaday, iyadoona la geeyay Xarun Caafimaad.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoyska Howlwadaag Magaalada Muqdisho ayaa isku dayay inay qabtaan Ciidanka AMISOM ee la socday gaariga, balse ay halkaas isaga tageen.
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhowr jeer horey dad shacab ah Magaalada Muqdisho ku jiir siiyay gaadiid ay wateen, sidoo kalena rasaas bareer ah ku furay dad shacab ah oo waxba galabsan kuna sugnaa Muqdisho iyo deegaano kale.