Barasaabka Kirinyaga oo sheegtay in aan dib loo howlgelin doonin 188 kalkaaliyaal ah oo la eryay

0
471

Guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in aan dib loo shaqaleysiin doonin kalkaaliyaal dhan 188 oo shaqada laga eryay.
Waxay carrabka ku dhufatay in saraakiishan ay ku kaceen hab-dhaqan xumo.
Xilli ay warbaahinta kula hadashay xaafadda Kagio ayay Waiguru xustay in kalkaaliyaasha ay shaqo joojin sameeyeen taasoo keentay in si dhakhso ah kuwo kale loogu beddelo.
Waiguru ayaa ku celcelisay in howlwadeenada ay shaqooyinkoodii waayeen ka dib go’aan ka soo baxay maxkamadda sare.
Waxay intaa ku dartay in aynan suurtagal ahayn in la tixgeliyo mowqifka guddiga adeegga bulshada ee PSC ee looga soo horjeestay tallaabada ay ku dhaqaaqday dowladda ismaamulka Kirinyaga.