Maamulka isgaarsiinta oo sheegay in ay korortay hanjabaadda dhanka intarneetka

0
702

Maamulka isgaarsiinta dalka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in kiisaska la xiriira hanjabaadda lagu gudbiyo qaababka online-ka ah ay sare u kacday boqolkiiba 60.
Maamulka ayaa sheegay in afar bilood gudahood uu diiwangeliyay xaalado arrimahan la xiriira oo dhan 56,206,097 halka tiradan ay horay ahayd 35,173,937.
Sare u kaca hanjabaadaha dhanka intarneetka ayaa loo aaneeyay cudurka COVID-19 oo dad badan guriyaha ku reebay tani oo sababtay in ay waqti badan ku bixiyaan aaladaha iyo baraha dijitaalka ah.
Codsiyada la soo gudbiyay ee la xiriira in baaritaano lagu sameeyo falalkan ayaa dhan 224 .