Dowladda Soomaaliya oo Britain kala hadashay amaanka doorashada

0
401

Wasiirka Amniga Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu kula kulmay Safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya.
Kulanka oo saacado kooban qaatay ayaa labada dhinac ay kaga wada hadleen xaaladda Amniga doorashooyinka iyo arrimaha kale oo muhiimka ah lana Xiriira Amniga Dalka Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa uga mahad celiyay dowladda Ingiriiska taageerada dhinaca Amniga ee ay siiyaan Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay inay sii kordhiyaan.
Safiirka Uk ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay joogteyn doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan.