Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan maanta yeelanaya

0
445

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa inay Maanta oo Arbaco ah yeeshaan kulan xasaasi ah oo looga hadli doono Ajandeyaal dhowr ah.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta uu jiro kulanka Baarlamaank, isla markaana Ajandayaasha looga hadlayo ay kala yihiin, Cudurka Covid19, u Codeyn Laba Xubnood oo Ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo u Codeynta Sharciga Qaxootiga Qaranka.
Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa baaqday maalinka Isiintii ee todobaadkaan, waxaana lagu soo kordhiyay Ajandaha Qaxootiga Qaranka, iyadoo Xildhibaannada qaarkood ay sheegeen in Kulanka Maanta uu ku hoos qarsan yahay qorsho muddo kororsi Hay’adaha dowlada.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah 15-kii Xildhibaan ee Guddoonka Golaha Shacabka ay ka mamnuuceen inay ka qeyb galan 5 Kulan ayaa sheegay in Kulanka Maanta ay tagayaan, isla markaana wixii dhibato ah ee soo gaara uu mas’uul ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
In kastoo dhowr Ajande la sheegay in looga hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa hadana Xildhibaannada qaarkood waxaay sheegayaan in Madaxtooyada qorsheysay in muddo kororsi la sameeyo.
Baraha Koontorool ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay maadaama Xarunta shirarka Xildhibaannada ee Villa Hargeysa ay ku taalo Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.