45 qof oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen isbuurashadii ka dhacday daawashadii meydka Magufuli

0
675

Waxaa hadda la xaqiijiyay in 45 qof ay ku dhinteen isbuurashadii ka dhacday garoonka Uhuru halkaas oo dadweynaha ay u daawasho tageen meydka madaxweynihii hore ee Tanzania John Pombe Magufuli.
Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay in 37 qof oo kale ay dhaawacmeen ka dib markii boqolaal ruux ay isku buurteen garoonka Uhuru oo uu 21-kii bishan yaalay meydka Magufuli .
Isbuuci la soo dhaafay waxaa la aasay meydka shan xubnood oo isku qoys ah oo ku dhintay isbuurashadan ka dhacday isla garoonkaasi.