Maamulayaasha dugsiyada oo sheegay inaynan ku filnayn lacag lagu wareejiyay

0
673

Maamulayaasha dugsiyada dalka ayaa sheegay in dhaqaale la siiyay oo dhan 19.5 bilyan oo shilin uusan kaafin karin baahiyaha dhanka tacliinta.
Waxay dowladda dhexe ku eedeynayaan inaynan soo saarin miisaaniyad dheeraad ah tani oo saameyn ku yeelan karto sida ay sheegayaan habsami u socodka arrimaha waxbarashada.
4-tii bishan ayay ahayd markii dib loo furay dhammaan fasallada goobaha waxbarashada ee dalka oo intooda badan xirnaa ugu yaraan sideed bilood ka dib markii gudaha wadanka laga xaqiijiyay caabuqa corona.
Cabashada maamulayaasha ayaa timid ka dib markii dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda tacliinta ay dugsiyada sare ku wareejisay 14.6 bilyan halka dugsiyada sare la siiyay ugu yaraan 4.6 bilyan oo shilin.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in lacagtan ay u dhiganto boqolkiiba 25 dhaqaalaha la doonayo in hal xilli dugsiyeed la adeegsado.