Kang’ata oo diiday inuu ka laabto warqadii muranka dhalisay

0
628

Senatarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata ayaa sheegay inuusan waxba iska beddelin warqadii uu u qoray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu qoraalkaas ku sheegay in hannaanka sharci beddelka ee BBI uunan taageero buuxda ku lahayn gobolka bartamaha dalka.
Qaar ka mid ah warbaahinta dalka ayaa ku warramaya inuu jiray kulan qabsoomay oo looga hadlay sidii senatar Kang’ata loogu cadaadin lahaa inuu mowqifkiisa beddelo.
Siyaasigan ayaan shalay soo xaadirin shir jaraaid oo uu qabtay xisbiga talada haya ee Jubilee.
Dhanka kale senatarka ismaamulka Nakuru Susan Kihika ayaa sheegtay inay boqolkiiba boqol dhigeeda Murang’a ku taageersan tahay in sida ay hadalka u dhigtay uu ka run sheegay BBI.