Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamad C/laahi Farmaajo uu ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxda Maamullada Puntland iyo Jubbaland si ay uga soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Maalinkii shanaad ka socda Xerada Ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni.
Wasiirka Warfaafinta oo Galinkii dambe ee Shalay Warbaahinta kula hadlay Xerada Afisyooni ayaa sheegay in maadama shirka uu socday muddo afar Cisho ah uu madaxweynuhu u arkayo inay lagama maarmaan tahay in dhamaan dhinacyada ka qaman shirka ay qayb ka soo noqdaan