Ardayda fasalka afaraad ee dugsiyada sare oo maanta KCSE billaabaya

0
382

Waxaa maanta guud ahaan dalka si rasmi ah uga billaabanaya imtixaanka qaran ee shahaaddiga ah ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE).
Sanadkan waxaa imtixaanka KCSE-da sameeynaya arday dhan 752,981 .
Imtixaanka ayaa lagu sameeyn doonaa 10, 437 oo xarumood sida laga soo xigtay golaha imtixaanada qaran ee KNEC .
Waa markii ugu horreysay oo ay bilaha saddexaad iyo afaraad ardaydu u fariisanayaan imtixaano qaran maadaama cudurka COVID-19 uu carqaladeeyay jadwalkii waxbarasho ee dalka.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya Prof. George Magoha ayaa sheegay in aynan jirin wax warqad imtixaan oo la helay ama cid loo dusiyay isagoo ardayda imtixaanka sameeynaya uga digay in ay khiyaano ama xatooyo isku dayaan.
Waxaa uu sheegay in ay ka war qabaan qorsho ah in arday dhigata jaamacadaha wadanka ay qaar ka mid ah kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare u sameeyaan KCSE-da balse aan lagu guulaysan doonin.
Saraakiisha wasaaradaha kala duwan si gaar ah kuwa tacliinta iyo arrimaha gudaha ayuu Magoha ka codsaday in ay iska kaashadaan maareynta imtixaannada maadaama sida uu hadalka u dhigay ay hal dowlad ah u adeegayaan.