Maraykanka oo cunaqabatayn saaraya shirkado laga leeyahay Myanmar

0
595

Dowladda Maraykanka ayaa ka baaran dagaysa sidii cunaqabatayn loogu soo rogi lahaa labo shirkadadood oo laga leeyahay wadanka Myanmar.
Labadan shirkadood ayaa la sheegay inay leeyihiin cidamada milatariga dalkasi.
1-dii bishii hore ayay ahayd markii militariga wadankaas uu qaab afgembi ah talada ula wareegay iyada oo uu sidoo kale xabsiga dhigay mas’uuliyiin ay ka mid tahay haweenaydi Myanmar hoggaaminaysay Aung San Suu Kyi.
Qorshaha ku aaddan xayiraadda ayaa loo gudbiyay waaxda maaliyadda dalkaasi Maraykanka si loogu daro liiska shirkadaha ay saaran tahay cunaqabatayntu .
Waxaa la rumeysan yahay in cunaqabateynta la dhaqan galin doono galinka hore ee maalinka Arbacada ah ee toddobaadka dambe.
Labada shirkadood oo ka shaqeeya dhanka wax soo saarka ayaa lagu kala magacaabaa Myanmar Economic Corporation (MEC) iyo Myanmar Economic Holdings Ltd (MEHL).
Inqilaabkii militari ee Myanmar waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waawayn oo ay samaynayaan shacabka dalkaasi.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 275 qof ayaa lagu dilay isku dhacyada ciidamada iyo shacabka.
Wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka , UK, Canada iyo midowga yurub ayaa horay cunaqabatayno ugu soo rogay taliyaha ugu sareeya ciidamadda Myanmar iyo qaar ka mid ah carruurtiisa.
Kooxaha u dooda xuquuqda adanaha ayaa dalbanaya in xayiraado kale oo dheeraad ah lagu soo rogo milatariga Myanmar si xukunka loogu soo celiyo gacanti rayidka.