Xisbiga ANC oo Ruto ka dalbaday inuu is casilo

0
959

Siyaasiyiinta xisbiga ANC ee uu hoggaamiyaha ka yahay Musalia Mudavadi ayaa ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska baneeyo.
Waxay mas’uuliyiintan ku hanjabeen inay billaabayaan qorsho ay xilka kaga qaadayaan Ruto oo ay ku eedeynayaan inuusan daacad u ahayn madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.
Ku xigeenka madaxa xisbiga ANC Ayub Savula, ayaa wacad ku maray in hadii William Ruto uunan is casilin ay baarlamaanka u gudbinayaan mooshin ka dhan ah.
Waxaa uu William Ruto ku dhaliilay inuu u muuqdo shakhsi aan Mr. Kenyatta garab ku siinayn fulinta mashaariicda horumarineed ee dowladda .