Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa hay’adda UNHCR u qabtay muddo 14 cisho ah oo ay ku dejinayso qorshaha lagu xiraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegtay in uunan jirin wax wada-hadal ah oo arrinkan ka furan.
Ha’yadda qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaan weli ka jawaabin dalabka dowladda Kenya ee ku aadan in la keeno qorsho lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kaakuma.
Dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa waxaa xilligan ka dhaxeeya khilaafka badankiisa salka ku haaya dacwadda badda, taas oo keentay in dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto Kenya.