Qarax miino ah oo lala eegtay bas marayay tuulada Koromey ee ismaamulka Mandera ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof .
Baabuurka oo ah nooca gaadiidka dadweynaha ayaa saaka ka soo ambabaxay deegaanka Lafey islamarkaana ku sii jeeday magaalada Mandera.
10 qof oo kale ayay dhaawacyo kala duwan soo gaareen waxaana lagu daaweynayaa isbitaalka weyn ee Mandera.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicholas Ndalana ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda ay hadda deggan tahay.
Wuxuu intaa ku daray in ciidamo loo howlgeliyay raadinta kooxdii falkan ka dambeysay.
Mr. Ndalana ayaa dadweynaha deegaanka ku boorriyay in ay saraakiisha ammaanka la wadagaan xog kasta oo ku saabsan weerar qorsheysan oo ay hayaan.
Qaraxa maanta dhacay iyo khasaaraha ka dhashay waxaa sidoo kale xaqiijiyay taliyaha booliska ee gobolka waqooyi bari Rono Bunei.
Sawirro laga soo qaaday dhacdada ayaa muujinaya in baska uu burbur weyn soo gaaray.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba uu walaac ka muujiyay xaaladda amni ee dowlad deegaankaas.