Wasiirka waxbarashada oo digniin ka soo saaray KCSE-da

0
480

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in ay ka war heleen qorsho ku saabsan khiyaano marka la billaabo imtixaanka qaran ee KCSE-da.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka Jimcaha ee toddobaadkan 26-ka bishan in ka badan 750 kun oo arday ah ay billaabaan imtixaanka shahaaddiga ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Magoha ayaa u digay arday kasta oo qorsheynaya in qof kale uu u sameeyo imtixaanka.
Waxaa uu wasiirku sheegay in aan lagu guulaysan doonin qorshaha ah in arday dhigata jaamacadha wadanka ay imtixaanka u sameeyaan qaar ka mid ah kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee dalka.
Waxaa uu ku celceliyay in ardaygii arrinkan iskudayo iyo qofkii ka caawiyo ay labaduba isku dembi noqonayaan oo tallaabo isku mid ah laga qaadaya.