Dalka jarmalka oo lagu soo rogay xayiraado cusub

0
694

Dowladda wadanka Jarmalka ayaa kordhisay xayiraadaha la doonayo in lagu xakameeyo faafidda cudurka COVID-19.
Tallaabooyinka cusub ee ay dowladda dalkaasi ay soo rogtay waxaa ka mid ah in muddo bil ah lagu kordhiyay bandowgi sarnaa dalkaasi iyada oo dhanka kale la joojiyay dabaaldaga iyo isu imaatinka fasaxa loo yaqaano Easter ee sanadkani 2021.
Amarradan ayaa looga gol leeyahay in hoos loogu dhigo xaddiga caabuqa coronavirus ee ku sii faafaya Jarmalka.
Go’aanka lagu soo saaray amarrada cusub ayaa yimid ka dib markii kulan dhanka fogaan aragga uu dhex maray hoggaamiyaha dalkaasi Angela Merkel iyo 16 ka mida guddoomiyaasha gobollada Jarmalka.
Dhinacyada kulanka yeeshay ayaa si gaar ah isugu raacay in inta badan la xaddido isu socodka dadwaynaha laga billaabo 1-da ilaa 3-da bisha Afaraad ee sanadkan.
Dowladda Jarmalka ayaa sidoo kale amartay in albaabada loo laabo dukaamada.

Waxay sidoo kale mamnuucday isu imaatinka dadwaynaha 1-da ilaa 5 bisha Afaraad ee sanadkan.
Xayiraaddii ugu dambaysay ee dalkaasi la galiyo ayuu qorshuhu ahaa in ay dhammaato 28-ka bishaan, waxaana lagu sii kordhiyay muddo dheeraad ah ilaa 18-ka bisha soo socota.
Dadweynaha Jarmalka ayaa dhanka kale lagu boorriyay in ay ku sugnaadaan guryahooda.
Macalimiinta iyo ardayda wadankaasi ayaa loo ogolaan donaa in si lacag la’aan ah looga baaro fayraska corona.
Dalka jarmalka ayaa ka mid ah wadamada uu aadka u sameeyay cudurka waxaana laga dareemayaa mowjado cusub oo caabuqa covid-19 ah sida ay shacisay hoggamiyaha dalkaasi Angela merkel oo wariyaasha kula hadlaysay magaalada Berlin.
Waxay sheegtay in uu jiro nooc cusub oo cudurka ah kaas oo gabi ahaan ka duwan kii hore si ba’anna ay dadka ugu dhimanayaan.
Wadanka Jarmalka ayaa ilaa hadda laga diwaan galiyay kiisas dhan 2,667,225 qof uu haleelay cudurka iyada oo dhanka kale dhimashaduna ay gaarayso ilaa 75,196.
Dadka ka soo kabsaday cudurka COVID-19 ee dalkaasi ayay tiradoodu tahay 2,409,360 qof.