Xafiisyada ismaamulka Elgeyo Marakwet oo la xiray

0
547

Waxaa albaabada la isugu dhuftay xarunta dhexe ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet ka dib markii ay kordheen xaaladaha cudurka COVID-19.
Xoghayaha ismaamulkaas Paul Chemmuttut ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in muddo aan la cayimin ay xaruntan xirnaan doonto.
Mas’uulkan ayaa dadweynaha ku wargeliyay in tallaabadan ay ka mid tahay dadaallada lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Waxaa uu sheegay in go’aankan la qaatay lagu saleeyay in tiro badan oo shacabka ka mid ah ay isugu tagaan xafiisyada waaxyaha howlaha guud , maaliyadda iyo soo iibsashada agabka tani oo sababi karto in caabuqa uu ku dhex faafo.
Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha iyo wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Elgeyo Marakwet oo u safray dalka dibadiisa ayaa la soo tabiyay in lagu arkay astaamo la mid ah kuwa hergebka.
Hasa ahaate guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaankaas Philemon Sabulei ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo hadda uunan jirin wakiil laga helay cudurka.