Agaasimaha fulinta ee xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee James Waweru ayaa geeriyooday xilli loo waday isbitaalka Karen ee magaalada Nairobi si halkaas loogu daaweeyo.
Ilaa iyo hadda ma cadda xanuunka uu u geeriyooday.
Xisbiga Jubilee ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray kaga tacsiyeeyay geerida mas’uulkan.
Xoghayaha guud ee Jubilee Mr. Raphael Tuju oo bayaanka saxiixay ayaa James Waweru ku tilmaamay shakhsi waxyaabo badan oo dhanka hoggaanka ah ku soo kordhiyay xisbiga.
Meydka James Waweru ayaa la dhigay Lee funeral halkaas oo ay siyaasiyiin badan ku sugan yihiin.
Mas’uulka geeriyooday ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda sida xoghaye wasaaradeed iyo guddoomiyihii Nairobi.