Maxkamadda Kericho oo sii xirnaan doonto

0
545

Sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka Mrs. Philomena Mwilu ayaa kordhisay muddada uu sii shaqeynaya amarkii ku meel gaarka ahaa ee lagu xiray maxkamadda ismaamulka Kericho.
Waxay mudadadaas ku dartay labo toddobaad oo dheeraad ah.
5-tii bishan ayay ahayd markii albaabada la isugu dhuftay xarunta maxkamadda Kericho.
Amarka lagu xiray ayaa lagu saleeyay tayada dhismaha oo walaac laga muujiyay ka dib qiimeyn ay sameyeen saraakiisha waaxda howlaha guud ee dalka.
Mwilu ayaa dhanka kale shacabka iyo saraakiisha waaxda garsoorka ee Kericho ka codsatay in ay dulqaad muujiyaan inta maxkamadda dib u dhis lagu sameeynaya.