Madaxweynihii hore ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa sheegay in arrinta ay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu isku hayaan ee khilaaafka dhalisay ay tahay dano gaar ah oo ay eeganayaan balse aysan ahayn dan guud oo umadda ka dhexaysa.
Maxamad Cabdi Waare oo ka hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka iyo shirarka marar badan baaqday ee arrimaha doorashada looga hadli lahaa ayaa sheegay inay is faham dari weyn ay ka dhex jirto Hoggaanka Sare ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira,ayna Muhiim tahay in ugu horayn la xalliyo waxyaabaha la isku Khilaafsan yahay ee dib u dhaca Sababay.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay inaysan xal ahayn Ciidamo iyo adeegsiga awoodo dheeraad ah oo aan waxba soo kordhinayn maadaama dalkaan uu horay u soo maray dhibaatooyin kala duwan Xilliyo badana ay hojgaamiye Kooxeedyadii isku dayeen inay adeegsadaan awood Ciidan walow aysan u suurogalin