Wasaaradda arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in dagaalka Magaalada Laascaanood uu galay Maalintii saddexaad, kaas oo u dhexeya Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka ee Gobolka Sool oo is abaabulay, kuwaas oo hubka qaatay.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Maalintii saddexaad oo xiriir ah ay Kooxaha argagaxisadu weerar ku soo qaadeen xeryaha Ciidanka Somaliland, islamarkaana ciidamadu ku jiraan difaac.
Somaliland ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Ciidamadoda ay weerar ku soo qaadeen Kooxo Argagaxiso ah, hayeeshee Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sool ay sheegeen inay dagaalamayaan Shacab iska difaacaya Somaliland oo diiday Calanka Soomaaliya.
Maalintii Saddexaad ah oo xiriir ah ayaa waxaa Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka socda dagaal u dhexeya Ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.