Madaxweynaha Turkiga oo booqanaya magaalooyinka uu dhul gariirka saameeyay

0
195

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tego gobollada Kahramanmaras iyo Hatay, sida uu shaaciyay xafiiskiisa.
Erdogan ayaa sidoo kale maanta booqan doona gobolka Pazarcik, oo ah halkii xudunta u ahayd dhul gariirka.
Waxaa uu xaalad degdeg ah oo muddo saddex bilood ah soconeyso uga dhawaaqay 10 gobol ee uu sida ba’an u saameeyay dhul gariirka.