Shacabka Narok oo dowladda u diray baaq ku saabsan xuduudda

0
575

Dadweynaha ku nool ismaamulka Narok ayaa dowladda ka codsaday in ay tixgeliso soo jeedinno ku aaddan arrimaha xuduudda deegaannada ka hor inta aan lagu tallaaba qaadin isbeddellada dastuuriga ah.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo qorshaha BBI lagu soo jeediyay in la sameeyo 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa arrinkan ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Chebukati ayaa hoosta ka xarriiqay in keliya IEBC ay awood dastuuri ah u leedahay arrimaha xuduudda balse aan lagala tashan qorshaha lagu kordhinayo deegaan baarlamaneedyada dalka.
Hadii uu dhaqan galo qorshaha BBI , Ismaamulka Narok ayaa lagu kordhin doonaa saddex deegaan oo dheeraad ah.