Ururka KUPPET oo doonaya in lacago gunnooyin ah la siiyo macallimiinta imtixaannada maareynaya

0
549

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay lacago gaar oo gunnooyin ah siiso barayaasha ilaalinaya ardayda sanadkan sameynaya imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah.
Xoghayaha dhanka abaabulka ee ururkan Paul Maingi ayaa soo jeediyay in tixgelin gaar ah la siiyo macallimiinta loo xilsaaray maareynta imtixaannada ee deegaannada fog-fog ee wadanka.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in imtixaannada KCPE-da iyo KCSE-da la sameeyo iyada oo si weyn loo raacaya talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee ku aaddan xakameynta faafidda caabuqa corona.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo uu qorshuhu yahay in imtixaannada fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da ay billowdaan berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka bishan .