Rasaas laga maqlayo xarunta gobolka Banaadir iyo dad laga soo badbaadiyay

0
427

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar Qarax ku billowday oo saacad ka hor ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan weerarkaasi lagu qaaday Xurunta Gobolka.
Weerarka ayaa ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa kaasi oo lagu dhuftay Al-Baaabka dambe ee xarunta, waxaana xigay weerar toos ah oo gudaha ay ku galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ilaa iyo hatan aan la ogayn tiradooda.
Jugta qaraxa ayaa si weyn looga maqlay Degmooyin iyo xaafado ka tirsan Caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana xigtay rasaas toos ah oo la isku adeegsaday ka dib weerarka ay gudaha ku galeen dableyda hubeysan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaaamaya in xarunta ay haatan ka dhex dagaalamayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la maqlayaa dhawaaqa rasaasta ka socota Gudaha Xarunta.
Xarunta ayaa ilaa iyo haatan waxaa laga soo saaray dad aad u badan, kuwaasi oo ku sugnaa markii weerarku dhacayay, waxaana ka mid ah shaqaalaha xarunta Gobolka oo sida la sheegay ay ku jiraan Mas’uuliyiin.
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse waxaa la aaminsan yahay inuu jiro dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay qaraxu, maadaama uu ahaa qarax ismiidaamin ah oo aad u xooggan.
Ciidanka ammaanka ayaa wali la dagaalamaya xubnaha ugu galay xarunta, sidoo kale sawirro iyo muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u badan shaqaalaha Gobolka oo ka soo boodaya daaqadaha dhismayaasha Xarunta.
Wali laamaaha aammaanka iyo maamulka Gobolka kama hadlin weerarka maanta lagu qaaaday Xarunta Gobolka Banaadir, sidoo kale ma cadda khasaaraha Rasmiga ah.