Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa maanta munaasabad duco ah uga qayb galaya ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha wadanka.
Munaasabadda ayaa ka dhacaysa fagaaraha Kerugoya Stadium.
Waxaa madaxweynaha wehelinaya barasaabka dowlad deegaankaasi Anne Waiguru, xoghayaha golaha wasiirrada Mercy Wanjau , wakiilka haweenka ee Kirinyaga Njeri Maina iyo mas’uuliyiin kale.
Xildhibaanka deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa dhaliilay qorshaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ee ah inay qabanayaan isku soo bax.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xubnaha mucaaradka ay xor u yihiin inay bannaanbax sameyaan balse aan marnaba loo oggolayn waxyeeleynta howlaha ganacsiga.