Dowladda dalka Peru ayaa magaala madaxda wadankaasi ee Lima uga dhawaaqday xaalad degdeg ah.
Amarkan ayaa sidoo kale ka dhaqan galaya Saddex gobol oo dheeraad ah.
Tani ayaa loo aaneeyay dibadbaxyada ka dhanka ah madaxweynaha Peru Dina Boluarte oo ay toddobaadyadii ugu dambeeyay ku dhinteen ugu yaraan 42 qof.
Xaaladda degdegga ayaa Peru ka jiri doonto muddo 30 cishe ah.
Tallaabadan ayaa ciidamada militariga u oggolanaysa inay qayb ka noqdaan dib u soo celinta nidaamkii kala dambeynta ee maamulka.
Sidoo kale waxay hakad gelinaysa qaar ka mid ah xuquuqda dastuuriga sida socdaalka iyo isku imaatinka dadweyne sida ku cad digreeto madaxweyne oo lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda Peru.